Gary Neville oo si cajiib ah uga hadlay ka tagistii Pogba ee Man United

(Manchester) 18 Juun 2022. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Paul Pogba ayaa ka tagay Man Utd dhamaadka xilli ciyaareedkii dhawaan la soo gabagabeeyay, Kaddib markii uu dhammaaday qandaraaskiisa.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United Gary Neville ayaa aaminsan in mudada uu Paul Pogba ku qaatay safka Red Devils ay qeyb ka ahaan doonto xusuusta murugada leh ee labada dhinac.

Arrintan ayaa timid ka dib markii la ogaaday in Pogba uu diiday dalab uu ku doonayay inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo United, kaasoo uu ku qaadan lahaa in ka badan 300,000 oo Pound todobaadkii.

Waxaa sidan laga soo xigtay wada hadal lala yeeshay wakiilkiisii ​​geeriyooday ee Mino Raiola, kaasoo ka soo muuqday filim cusub oo dukumentari ah ee ku saabsan ciyaaryahanka.

Pogba ayaa la filayaa inuu ku laabto Juventus, iyadoo 29 jirka reer France uu isku diyaarinayo inuu ogolaado qandaraas afar sanno ah, sida ay sheegayaan warar badan.

Haddaba Gary Neville oo ka hadlay xaallada Paul Pogba iyo kooxda Manchester United ayaa wuxuu yiri:

“Ima dhibayaan hadalada Paul Pogba, haddii aan runta ka hadlo.”

“Waxay ila tahay in marka uu ciyaartoyga baxo, uu sheegi karo wax kasta oo uu doono.”

“Laakiin uma maleynayo in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigay lixdii sano ee la soo dhaafay, kooxdana si wanaagsan ulama dhaqmin.”

“Haddii aan si cadaalad ah u hadlo, wada shaqeyntan waxay ahayd mid ay labada dhinacba ku fashilmeen.”

“Ma jirto cid guuleysatay, ciyaaryahanka wuxuu baxayaa isagoo xanaaqsan 6 sano kaddib lacagihii uu qaatay, oo aan ku guuleysan koobab,”

“Dhanka kale, madaxda kooxda waxay dareemayaan carro badan, sababtoo ah waa markii labaad ee uu Pogba baxo.”

Gary Neville ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Waxaan u rajaynaynaa wanaag oo dhan mustaqbalkiisa kooxda Juventus.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close