Kooxo badan oo reer England ah oo si xooggan ugu dagaalamaya saxiixa Morata

(Yurub) 08 Juun 2022. Kooxo badan oo reer England ah ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan adeega Álvaro Morata kaas oo ay dhammaatay amaahdii uu ku joogay Juventus, waxaana xiddiga reer Spain uu qandaraas kula jira Atletico Madrid ilaa 2023.

Álvaro Morata ayaa ku laaban doona Atletico bilowga xilli ciyaareedka cusub, kaddib markii uu la gaarin wax heshiis ah ee ku aadan in ay si toos ah u iibsadaan adeegiisa, kaddib markii uu labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay ku qaatay Turin.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska The Sun ee ka soo baxa England, Newcastle United ayaa kula biirtay kooxaha Arsenal iyo Tottenham tartanka loogu jiro saxiixa gooldhaliyaha reer Spain si ay isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Barcelona ​​oo ay weheliso Bayern Munich, ay sidoo kale muujiyeen xiisaha ay u qabaan adeega Morata, iyada oo wargeysku tilmaamay in go’aanka Robert Lewandowski ay ku xirnaan doonto la saxiixashada xiddiga reer Spain ee labada kooxood.

Álvaro Morata ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ee Spain, sidoo kale waxa uu u soo ciyaaray kooxda Chelsea iyo Juventus.

Xiddiga reer Spain ayaa 54 kulan oo heer caalami ah uu u saftay xulka qaranka Spain, wuxuu ku dhaliyay 26 gool, Morata ayaa sugaya in uu El Matador kala qayb galo koobka adduunka ee Qatar sanadkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close