Halyeey Man City ah oo kula taliyay Sterling inuu iska indhatiro xiisaha Chelsea

(Manchester) 08 Juun 2022. Chelsea ayaa raadinaysa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga saxiixyo ay ku xoojiso safka kooxda, si ay isugu diyaariyaan caqabadaha xilli ciyaareedka cusub ee bilowga waaga cusub ee kooxda kaddib bixitaankii Roman Abramovich.

Halyeeyga Manchester City ee David James ayaa kula taliyay xiddiga kooxda ee Raheem Sterling inuu iska indhatiro rabitaanka Chelsea ee ku aadan saxiixiisa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Star ee dalka England David James ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu fariin ugu diray Raheem Sterling, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Jawaabta fudud ayaa ah inaad sii joogto Manchester City, ugu horreyn, waxaad heli doontaa fursad aad koobab ugu guulaysato, Sterling wuxuu heli doonaa fursad uu kaga qayb qaato kulammada.”

“Marka la eego wareegga u dhexeeya ciyaartoyda, Sterling wuxuu ka mid yahay kuwa ciyaara 24 ama 25 kulan ee horyaalka xilli ciyaareed kasta.”

“Marka la eego wararka la xiriirinaya u dhaqaaqistiisa kooxda Chelsea, tani waxay caddayn u tahay tayadiisa.”

Sterling ayaa Man City ku soo biiray 2015 isaga oo kaga soo biiray Liverpool, tan iyo markaas waxa uu City u ciyaaray 339 kulan tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 131 gool sidoo kale caawiye ka noqday 95 gool kale ay dhaliyeen saaxiibadiis.

Raheem ayaa kula guuleystay Manchester City horyaalka Premier League 4 jeer, Carabao Cup 5 jeer, iyo FA Community Shield oo 2 jeer ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close