Sadio Mane oo noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka qaranka Senegal… (Yuu ka sare maray?)

(Dakar) 05 Juun 2022. Weeraryahan Sadio Mane ayaa noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka qaranka Senegal kaddib markii uu saddexleey dhaliyey, isagoo ka sare maray Camara.

30-sano jirkaan ayaa haatan u dhaliyey 32 gool xulka lagu naynaaso the Lions of Teranga, waxaana rikoorka gooldhaliyaha ugu sarreeya xulka Senegal kala wareegay xiddigii hore ee kooxda Wigan.

Mane ayaa saddexleey ka dhaliyey Benin, waxaana uu ka sare maray Henri Camara sidaasna ku noqday gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda xulka qaranka Senagal.

Kulankii Sabtidii ee isreeb-reebka qarammada Afrika 2023 ee Africa Cup of Nations ayaa xiddiga kooxda Liverpool ayaa saddex jeer shabaqa soo taabtay kulankii xulka Aliou Cisse ay 3-1 ku adkaadeen kulankii Group-ka L ee ka dhacay Dakar.

Ciyaartaas ka hor Weeraryahanka Liverpool ayaa lahaa 29 gool oo uu u dhaliyey xulkiisa qaranka Senegal, waana goolal la mid ah intii uu haystay Camara, kaasoo dalka dhaca galbeedka Afrika u ciyaarayay intii u dhexeysay sanadihii 1999 ilaa 2008, una saftay 99 kulan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close