Weeraryahankii hore ee Kooxaha Man United iyo Man City ee Carlos Tevez oo ciyaaraha ka fariistay

(Manchester) 04 Juun 2022. Weeraryahankii hore ee Kooxaha Ingiriiska ee Manchester United, Manchester City iyo West Ham United ee Carlos Tevez ayaa ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba ciyaaraha isaga fariistay.

Carlos Tevez ayaa xaqiijiyey inuu ka fariistay guud ahaan ciyaaraha kubadda cagta isagoo jiro da’da 38-sano kaddib dhimashadii Aabihiis.

Tevez ayaa horyaalka Premier League ka ciyaaray intii u dhexeysay 2006 illaa 2013, isagoo soo metelay kooxaha West Ham United, Manchester United iyo Manchester City.

Waxa uu dhowaanahan ka ciyaarayay garoon ku yaalala dalkiisa hooyo ee Argentina, isagoo ka tirsanaa kooxda carruurnimadiisa ee Boca Juniors.

Tevez ayaa waayey Aabihiis horraantii sanadkii 2021, waxaana taasi ay qayb muhiim ah ka ahayd go’aankiisa ah inuu joojiyo ciyaaraha, inkastoo uu haysto dalabyo uu ku sii wadan karo ciyaarihiisa oo ay ka mid tahay inuu u dhaqaaqo horyaalka MLS-ka.

“Waan fariistay, waa la xaqiijiyay,” ayuu ku yiri wareysi uu xalay siiyay America TV, waxaana uu intaa raaciyey: “Waxaan helay dalabyo badan oo ay ku jiraan kuwo aan ka helay Mareykanka, laakiin taasi waa dhammaatay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close