Xulka Argantina oo ku guuleystay koobka Finalissima 2022 kaddib markii ay ka adkaadeen dhigooda Italy

(London) 01 Juun 2022. Xulka Argantina ayaa ku guuleystay koobka Finalissima 2022 kaddib markii ay kaga adkaadeen dhigooda Italy 0-3, kaddib ciyaar aad u xiiso badan oo ay labada xul qaran ku qaateen garoonka caalamiga ah ee Wembley.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 uu ku hoggaamineyay xulka qaranka Argantina.

Daqiiqadii 23-aad xulka qaranka Argantina ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Lautaro Martínez, kaddib markii ay caawin kaga timid Lionel Messi.

45 + 1 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Di Maria oo ay caawin ka helay saaxiibkiis Lautaro Martínez ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 90 + 4-aad Paulo Dybala oo badel ku soo galay ciyaarta ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay xulka qaranka Argantina wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 uu kaga adkaaday xulka Argantina dhigooda Talyaaniga, Lionel Messi iyo saaxiibadiis oo aad uga awood badnaa kulankan ayaa loo caleemo saaray koobka Finalissima 2022.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close