Real Madrid oo durba bilowday xiriir ay kula soo saxiixaneyso xiddig Bayern Munich ah

(Madrid) 01 Juun 2022. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Real Madrid ay bilaabi doonto ka shaqaynta heshiis cusub maalmaha soo socda, iyadoo bar-tilmaameedsanaysa heshiiska ay ku dooneyso saxiixa xiddiga garabka kaga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Serge Gnabry.

Saxafiga Jorge Bacon ayaa sheegay in Real Madrid ay bilaabi karaan xiriiro maalmaha soo socda si ay isugu dayaan saxiixa Serge Gnabry kaas oo muujiyay rabitaan ah in uu khibrad cusub tijaabiyo.

Laacibka reer Jarmal ayaa durba si dhab ah uga fikiraya inuu ka tago Bayern Munich, waxaana dooqa ugu fiican uu qaadan karo ay tahay kooxda Real Madrid, maadaama uusan ku biirin Kylian Mbappé.

Gnabry ayaa wuxuu dhacayaa qandaraaskiisa kooxda Bayern Munich, xilli ciyaareedka soo socda, gaar ahaan June 2023, sidaas darteed la saxiixashadiisa lacag badan kuma kici doono, haddii Bayern Munich ay rabto inay lacag hesho, waa inay ka shaqeyso sidii ay u iibin lahayd sida ugu dhaqsaha badan, kahor inta aan la gaarin xilli ciyaareedka soo socda.

Inkastoo Bayern Munich aysan weli ka quusan fikradda ah inay dib u cusbooneysiiso qandaraaska Gnabry, haddana waxaa laga yaabaa inay diyaar u tahay inay ku iibiso waqtigan 40 million euros, taasoo qiimo macquul u ah Real Madrid.

Si kastaba ha noqotee, Serge Gnabry ayaa 17 gool u dhaliyay Bayern xilli ciyaareedkan labada tartanka ee horyaalka Bundesliga iyo Champions League, 26 jirkaan ayaa ajandaha cadaanka ku jiray in muddo ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close