“Xitaa dhiiggeyga ayaan ku qori karay heshiiskeygii ugu horreeyey ee Real Madrid” – Marcelo

(Madrid) 31 Maajo 2022. Marcelo Vieira da Silva Junior oo ka tagaya dhammaadka xilli ciyaareedkan kooxda Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday kana sheekeeyey heshiiskiisii ugu horreeyey ee Real Madrid uu la galay.

Xiddiga reer Brazil ayaa sheegay in xitaa dhiiggiisa uu ku qori karay heshiiskii ugu horreeyey ee Real Madrid, isagoo sheegay muddada uu qorsheynayay inuu sii joogo Los Blancos.

Marcelo oo arrimahaas ka hadlayay ayaana yiri: “Markii ay heshiiska isoo hor dhigtay Real Madrid waan saxiixay, magacayga ayaana si deg deg ah ugu qoray Marcelo Vieira da Silva Junior, xitaa dhiiggayga waan ku qori karay heshiiskaasi, waan xasuustaa wuxuu ahaa heshiis shan sano ah, anigana hadafkayga waxaan ka dhigay inaan halkan (Madrid) sii joogo 10 sanadood”.

Waayihii garoonka Santiago Bernabéu ee Marcelo ayaa soo dhammaaday, kaddib markii uu la joogay Real Madrid muddo 16-sanadood ah.

Marcelo ayaa kula guuleystay kooxda Real Madrid 25 koob, waxaana uu noqday xiddiga koobabka ugu badan kula guuleystay kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close