Evra oo u diray Ten Hag digniin ku saabsan saxiixyada cusub ee Man United

(Manchester) 30 Maajo 2022. Tababarihii hore ee Ajax ayaa gacanta kula jira shaqo aad u adag si uu u xalliyo qaska ka jira garoonka Old Trafford kaddib ololihii masiibada ahaa ee Red Devils.

Evra oo ka mid ahaa kooxdii Sir Alex Ferguson ee ku guuleysatay Champions League sanadkii 2008, ayaa kula taliyay Ten Hag inuu keeno ciyaaryahano leh maskax wanaagsan si ay ugu ciyaaraan kooxda.

Ten Hag kaliya uma baahna inuu helo ciyaartoy ku haboon inuu ku horumariyo kooxdiisa xagaagan, laakiin sidoo kale wuxuu u baahan doonaa inuu hubiyo inay haystaan shaqsiyada saxda ah si ay u qaataan anshaxa shaqada ee uu doonayo inuu ka hirgeliyo kooxda.

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Patrice Evra ayaa u sheegay MUTV:

“Waa shaqo adag, laakiin waa inuu qaataa go’aamo adag.”

“Marka uu hal ciyaaryahan keeno kooxda, [waa inuu hubiyaa] inaysan lacag ku imaanin, iyaga Uma iman inay caan noqdaan, laakiin waxay halkan u imanayaan inay u daggaalamaan astaanka, taas, aniga ahaan, waxay noqon doontaa mid ka mid ah howlihiisa ugu muhiimsan.”

Evra waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay safarka kooxda ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee soo socda, isagoo yiri.

“Runtii waa muhiim sababtoo ah waa marka aad dhisi karto xiriirkaas [Ciyaartoyda] waxay u baahan yihiin inay fahmaan fikradiisa.”

“Waxaan mar walba sheegaa inaad si xeeladaysan u noqon karto xariif, laakiin marka aad la xiriirto ciyaaryahankaaga, haddii aysan ku fahmin, waxba kama heli doontid iyaga, runtii aad bay muhiim u tahay inaad waqti ku bixiso, ma aha oo kaliya tababarka, ee waa inaad is barataan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close