“Benzema wuxuu u qalmaa Ballon d’Or… Lewandowski ma ahayn kii ugu fiicnaa 2021” – Messi

(Paris) 30 Maajo 2022. Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa u doortay weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or sanadkan.

Messi ayaa wareysi uu siiyay TYC Sports ku yiri: “Ma jiro wax shaki ah sanadkan, Benzema waxa uu soo qaatay xilli ciyaareed heer sare ah, wuxuuna ahaa mid go’aan qaadasho leh ololaha kooxdiisa ee tartanka Champions League tan iyo bilowgii ciyaaraha isreeb-reebka.”

Dhanka gooldhaliyaha Bayern Munich Robert Lewandowski ee ku saabsanaa abaal-marinta Ballon d’Or, Leo ayaa ku jawaabay:

“Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu dhiibto ra’yigiisa, oo uu sheego waxa uu doonayo ama waxa uu ku qanacsan yahay.”

“Runtii, kuma raacsani waxa uu Lewandowski yiri, laakiin muhiimad badan ma siin, xaq buu u leeyahay inuu sheego waxa uu rabo, mana xiisaynayo.”

“Laakiin erayadii aan ku idhi waqtigii aan ku guulaysanay abaalmarinta waxa ay ahaayeen kuwa qalbiga ka yimid, waxa aan xaqiijiyay in Lewandowski uu u qalmay abaal marinta Ballon d’Or ee sanadkii 2020, sababtoo ah sanad kahor waxay ila tahay inuu ka fiicnaa, laakiin sanadkii aan ku guulaystay ma ahayn kiisii ugu fiicnaa.”

Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or sannadkii hore ee 2021, waana markii toddobaad ee taariikhdiisa.

“Sharaf ayay ii tahay inaan la tartamo Lewandowski.”

“Wuxuu u qalmay in uu ku guulaysto Ballon d’Or sanadkii hore ee 2020, France Football waa in ay ku siiso abaal-marinta, adiga ayaa ahaa guulaystaha.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close