Real Madrid oo markii 14-aad ku guuleysatay Champions League kaddib markii ay guul dirqi ah ka gaartay Liverpool

(Paris) 28 Maajo 2022. Real Madrid oo ku guuleysatay markii 14-aad ku guuleysatay Champions League kaddib markii ay guul dirqi ah ka haartay Liverpool, oo ay ciyaar aad u xiiso badan ku wada ciyaareen garoonka Stade de France.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Liverpool iyo Real Madrid ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 59-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Vinícius Júnior, kaddib caawin kaga timid saaxiibkiis Vinícius Júnior.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga adkaatay Real Madrid, kooxda Liverpool, Los Blancos ayaana sidaas loogu caleemo saaray koobkeedii 14-aad taariikhda ee UEFA Champions League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close