Hordhac: Liverpool iyo Real Madrid… (Reds oo doonaysa inay caawa ka aar-gudato Los Blancos oo ku garaacday Final-kii Champions League ee 2018)

(Paris) 28 Maajo 2022. Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa manta oo Sabti ah taariikhdana ku beegantahay 28-ka May isku wajihi doona finalka tartanka ugu xiisaha badan heer kooxeed ee UEFA Champions League.

Liverpool ayaa soo garaacday Villarreal si ay ugu soo baxdo ciyaarta finalka, halka Real Madrid ay ku guulaysatay in Manchester City soo laabasho taariikhi ah kaga soo baxdo.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: UEFA Champions League.

Taariikhda: Sabti, 28 May 2022

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha:  10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Clement Turpin.

Garoonka: Stade de France.

Wararka Kooxaha:-

Liverpool:

Waxaa jirta rajo cusub oo ku saabsan helitaanka Thiago Alcantara ee kulanka caawa finalka Champions League oo ay kula ciyaarayaan Real Madrid, waxayna su’aal ka taagan tahay haddii uu ciyaari karo 90 ama 120 daqiiqo.

Dhanka kale, Fabinho oo dhaawac dhanka muruqa kaga maqnaa Liverpool ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa Arbacadii, halka Joe Gomez uu sidoo kale qayb ka yahay kooxda kaddib markii uu si dhakhso ah uga soo kabsaday dhaawac canqowga ah.

Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah ayaa labadooduba kursiga kaydka ka soo muuqday todobaadkii hore kaddib markii ay dhaawacyo soo gaadheen kulankii finalka FA Cupka, waxayna filayaan in ay ku soo laabtaan shaxda koowaad ee citaarta caawa.

Real Madrid:

Taas bedelkeeda, tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa rajeynaya inuu helo xiddig kasta oo ka tirsan safka kooxdiisa kulanka caawa ee finalka Champions League, iyadoo David Alaba uu ku soo laabtay tababarka bartamihii isbuuca ka dib dhaawac soo gaaray, isaga oo seegay kulankii ay la ciyaareen Betis.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

>- Real Madrid iyo Liverpool ayaa hore ugu kulmay siddeed jeer tartamada Yurub, Los Blancos ayaa afar guul gaartay, halka Reds ay adkaatay saddex kulan, iyada oo kulana barbardhac ku kala baxeen.

>- Alan Kennedy ayaa Liverpool u horseeday koobkii Yurub ee ay ka qaadeen Real Madrid finalkii 1981-kii. Iyada oo guushan ay biloow u ahayd saddex guulood xiriir ah ee gaartay kooxda Merseyside

>- Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa tan iyo markaas laga badiyay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen kooxda heysata horyaalka Spain, oo uu ku jiro finalkii 2018.

>-Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka horyimid Real Madrid guud ahaan sagaal jeer tartanka UEFA Champions League, waxaana uu badiyay kaliya seddex kulan oo ka mid ah kulamadaas.

Shaxda Macquulka ah ee labada kooxood:-

Liverpool XI: Alisson; Alexander-Arnold, Konaté, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Keïta; Salah, Mané, Luis Díaz

Real Madrid XI: Courtois; Carvajal, Éder Militão, Alaba, Mendy; Kroos, Casemiro, Modrić; Valverde, Benzema, Vinícius Júnior.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close