Alcantara oo rikoodh Taariikhi ah ka sameyn kara kulanka caawa ee finalka Champions League

(Paris) 28 Maajo 2022. Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa caawa oo Sabti ah taariikhdana ku beegantahay 28-ka May isku wajihi doona finalka tartanka ugu xiisaha badan heer kooxeed ee UEFA Champions League.

Liverpool ayaa soo garaacday Villarreal si ay ugu soo baxdo ciyaarta finalka, halka Real Madrid ay ku guulaysatay in Manchester City soo laabasho taariikhi ah kaga soo baxdo.

Haddii Thiago Alcantara uu caawa Champions League kula guuleysto Liverpool waxa uu bar barreynayaa Rikoor taariikhi ah oo uu dhigay hal ciyaartooy oo qura kaasoo ahaa Clarence Seedorf oo saddex kooxood oo kala duwan la qaaday Koobka Horyaallada Yurub.

Seedorf waxa uu Champions League la qaaday Ajax, AC Milan iyo Real Madrid, halka Thiago Alcantara uu Koobkani kula guuleystay Barcelona iyo Bayern Munich.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close