Gary Neville oo tilmaamay Saddexda ciyaaryahan Man United ka tirsam ee saameeyay soo laabashada Ronaldo

(Manchester) 27 Maajo 2022. Halyeeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa xaqiijiyay in seddexda ciyaaryahan ee kala ah Harry Maguire, Edinson Cavani iyo Bruno Fernandes ay saameyn ku yeelatay ku soo laabashada Cristiano Ronaldo ee Red Devils.

Xiddiga reer Portugal ayaa ku soo laabtay Man United xagaagii hore, isagoo ka yimid kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga, waxaana uu Red Devils kula jiraa heshiis dhacaya June 2023.

Shabakada “Goal” ayaa shaaca ka qaaday hadalka halyeeyga kooxda Manchester United ee Gary Neville, wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa in Ronaldo bilowgii xilli ciyaareedka uu dhibaato toos ah ku abuuray Cavani.”

“Cavani waxa uu hogaamin lahaa weerarka kooxda xilli ciyaareedkan, laakiin markii uu Cristiano yimid, Edinson wuu soo afjarmay.”

“Waxay ila tahay in Bruno uu Ronaldo u eego sida aabaha Portugal, laakiin soo laabashada Cristiano waxay ka dhigtay Fernandes inuu darreemo inuu ka hooseeyo sidii hore.”

“Soo laabashada Cristiano waxa ay si dabiici ah Maguire ka dhigtay mid xoogaa ka hooseeya hogaamiye ahaan, Bruno Fernandes waxa uu noqday kala badh ciyaartoygii uu ahaa.”

“Kaliya joogitaanka Ronaldo ee garoonka dhexdiisa waxay la macno tahay in qof walba uu sugayo isaga, halka Maguire uu isku dayayo in uu cadeeyo inuu isagu yahay kabtanka Manchester United.”

Markii wax laga weydiiyay waxa uu ka filayo mustaqbalka Ronaldo, Neville wuxuu yiri:

“Waxaan u maleynayaa inuu sii joogi doono Man United.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close