Agüero oo sharaxay waxa ay Man City u baahan tahay si ay ugu guulaysato Champions League

(Manchester) 27 Maajo 2022. Halyeeyga kooxda Manchester City ee Sergio Agüero ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan kooxda Sky Blues iyo waliba kubbada cagta adduunka, wuxuuna ku macneeyay in City ku guulaysiga Champions League ay tahay wax dhici doona sanadaha soo socda.

Manchester City ayaa laga ciribtiray semi-finalka Champions League kaddib markii ay guuldarro 3-1 ah ka soo gaartay Real Madrid, laakiin waxay xilli ciyaareedkooda ku soo gaba-gabeeyeen si heer sare ah iyagoo ku guuleystay horyaalka Premier League.

Halyeeyga kooxda Manchester City ee Sergio Agüero ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Marka la eego Champions League, tani waa shaqo aad u weyn, laakiin kubada cagta ayaa ku saabsan kooxda, kaliya maahan ciyaartoyda, marka kooxda oo dhami ay shaqeyso, koobkan waa la gaari karaa.”

“Waxaan filayaa in khibrada Manchester City ay kor u kacday dhowrkii sano ee la soo dhaafay, ku guuleysiga Champions League waa wax la gaari karo si dhaqsiyo leh.”

Weeraryahanka reer Argentina oo ka hadlayay imaatinka Halland wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa inuu yahay saxiix weyn, waa ciyaaryahan ka qeyb qaadan kara gooldhalinta, waxaan filayaa inuu ku guuleysan doono England, inkastoo uu u baahan doono waqti uu kula qabsado, laakin kalsooni ayaan ku qabaa. in uu shaqadiisa si wanaagsan u gudan doono.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close