VIDEO: Weeraryahanka ku soo wajahan Manchester City ee Julian Alvarez oo xalay dhalay lix gool dhaliyey!

(Buenos Aires) 26 Maajo 2022. Weeraryahanka ku soo wajahan kooxda Manchester City ee Julian Alvarez ayaa xalay dadka ka yaabsaday markii uu hal kulan dhaliyey lix gool.

Erling Haaland oo isna ku cusub kooxda Manchester City ayaa booska weerarka kula tartami doona xiddiga reer Argentina ee Julian Alvarez oo ka imanaya dhinaca Kooxda River Plate xilli ciyaareedka dambe.

Bilo yar ka hor ayay Man City dhammaystirtay saxiixa Alvarez, iyadoo ku garaacday saxiixiisa kooxda ay deris wadaagga yihiin ee Manchester United, taasoo diiday inay wax saxiixa sameyso ilaa ay Macallin cusub oo rasmi ah magacaabanayso.

Sky Blue ayaa ku dhowaad 17 milyan oo gini kala soo baxday xiddigan gooldhalinta ku caanka ah, waxaana xiddigan xalay uu kooxdiisa River Plate ku muujiyey awooddiisa gooldhalineed kaddib markii uu lix gool ka dhaliyey naadiga Alianza Lima.

Sheekada cajiibka ah waxa ay tahay in Manchester City ay saxiixyada Alvarez iyo Haaland wadar ahaan ku dhammaystiraan 65 milyan oo gini, taasoo runtii ah ganacsi cajiib ah oo ay sameysay kooxda ku guuleysatay horyaalka Premier League.

Halkaan hoose ka daawo lixda gool oo uu xalay dhaliyey weeraryahanka cusub ee Kooxda Man City, Julian Alvarez:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close