Kooxda Liverpool oo Bas dusha sare ka furan ku dabaal-degi doonta xitaa haddii laga badiyo final-ka UEFA Champions League

(Liverpool) 26 Maajo 2022. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku dhawaaqday in dhoolatus dabaal-dag ah lagu sameyn doono Waddooyinka Magaalada xitaa haddii ay ku guuleysan waayaan inay garaacaan Naadiga Real Madrid kulanka Sabtida ee final-ka UEFA Champions League.

Reds ayaa aad u doonaysa inay u dabaal dagto xilli ciyaareedkeedii guulaha ahaa ee ay ku soo guulaysteen labada koob ee Carabao Cup iyo FA Cup, isla markaana ay si dirqi ah ku lumiyeen hanashada horyaalka Premier league.

Dabaal-degga dhoolatuska ah waxa uu dhici doonaa Axadda soo aaddan oo ay taariikhdu tahay 29-ka bishan May, saacadu goorta ay ku beegan tahay 16:00 saacadda UK oo aaddan 6:00 Maqribnnimo xilliga geeska Afrika, waxa uuna dabaal-deggaasi ka dhici doonaa Waddooyinka Magaalada Liverpool.

“Xitaa Champions League la’aantiis waxay ahaan lahayd xilli ciyaareed aad u fiican, haddii aan ku guuleysanno Champions League-gana waxa ay noqon doontaa xilli ciyaareed cajiib ah” ayuu yiri Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp.

Manchester City ayaa ku qasbanaatay inay gaarto illaa maalinta ugu dambeysa horyaalka Premier League xilli ciyaareedka, Reds ayayna kaga qaadeen kaliya hal dhibic, laakiin Kooxda Liverpool ayaa sanadkan ku tartamaysay wax walba.

Sida dabaal-degga kooxda Ragga ee Liverpool oo kale, waxaa jiri doona Bas kale oo dusha ka furan oo kooxda dumarka ama haweenka Reds ay ugu dabaal degi doonaan dib ugu soo laabashadooda horyaalka heerka koowaad ee Haweenka (Women’s Super League), maadaama ay ku soo guuleysteen horyaalkii heerka labaad ee dumarka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close