Kylian Mbappé oo shaaca ka qaaday in sabab la xiriirta Hooyadiis darteed uu ugu biiri rabay Koox ka ciyaarta Horyaalka Premier League

(Paris) 24 Maajo 2022. Weeraryahanka Kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa shaaca ka qaaday in sabab la xiriirta Hooyadiis uu ugu biiray lahaa kooxda Liverpool ee ka ciyaarta horyaalka Premier League.

Kylian Mbappé ayaa sheegay inuu sidoo kale ku fikiray inuu ku biiro Liverpool ka hor inta uusan u saxiixin PSG qandaraaska cusub, sidaas waxaa warinaysa Jariiradda The Telegraph.

“Ma ahayn kaliya Real Madrid iyo PSG, waxaan ku jiray wadahadallo aan ugu biirayo Tababare Jürgen Klopp ee Liverpool” ayuu hadalkiisa ku biiray xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee Mbappé.

“Waxaan la hadlay Liverpool, maxaa yeelay waa kooxda ay mudnaanta siinayo Hooyadeey.

“Hooyadeey waxa ay Jeceshay Liverpool.” ayuu hadalkiisa raaciyey 23-sano jirkaan.

Paris Saint-Germain star Kylian Mbappe reveals he has twice held talks with  Liverpool | Daily Mail Online

Mbappé ayaa heshiis cusub dhowaan qalinka ugu duugay kooxdiisa PSG, waxaana uu saddex sano oo kale sii joogi doonaa Faransiiska.

Haddaba muxuu dhigayaa heshiiska cusub ee uu Mbappé u saxiixay PSG?

Heshiiska cusub ee saddexda sano ah ee uu Mbappe u saxiixay Paris Saint-Germain wuxuu dhigayaa in Mbappé la siiyo €300 oo Milyan oo Euro oo abaalgud ah maadaama uu aqbalay inuu sii joogo PSG.

>- Inuu sanadkii mushaar ahaan u qaato €100 Milyan oo Euro oo saafi ah.

>- Inuu xaq u leeyahay inuu ka qayb galo codeynta doorashada Agaasimaha cusub madaxa isboortiga ee naadiga.

>- Inuu Mbappé ogolaado heshiisyada ciyaartoyda ay iska iibinayso PSG iyo kuwa ay soo iibsanayso.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close