Man City vs Aston Villa & Liverpool vs Wolves – Horyaalka Premier League oo maanta la soo gabagabaynayo

(England) 22 Maajo 2022. Horyaalka Premier League ayaa maanta maqribkii la soo gabagabaynaa iyadoo kooxaha Manchester City iyo Liverpool ay isku hayaan hanashada horyaalka Premier League.

Pep Guardiola ayaa doonaya markii afaraad muddo shan sano ah gudahood ay Man City ku guuleysato horyaalka Premier League, marka ay maanta garoonkeeda Etihad ku marti-qaadeyso naadiga Aston Villa.

City ayaa hal dhibic oo qura hoggaanka horyaalka kaga haysa Liverpool, isla markaana Macallinka hoggaaminaya kooxda Aston Villa uu yahay kabtankii hore ee Liverpool iyo halyeygooda Steven Gerrard.

Gerrard ayaa sameyn doona wax waliba si uu u caawiyo kooxdiisii hore ee Liverpool, isla markaana koobka horyaalka loo geeyo garoonka Anfield caawa.

Liverpool ayaa dhankeeda doonaysa inay gacanta ku dhigto horyaalka Premier League, isla markaana ay garaacdo Wolves, isla markaana Man City loo qabto.

Waxaa sidoo kale jira kooxo isku haysa afarta sare tan ku dhammaysanaysa, waana Arsenal iyo Tottenhan, sidoo kale Man United iyo West Ham United ayaa isku haysta ka qeyb galka Europa League.

Waxaa jira sidoo kale kooxo ka cabsi qaba inay u laabtaan heerka labaad waana Burnley iyo Leeds United oo midkood uu maanta ka dhici doono Premier League.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada la ciyaari doono maalinta ugu dambeysa horyaalka Premier League:-

Arsenal vs Everton

Brentford vs Leeds United

Brighton & Hove Albion vs West Ham United

Burnley vs Newcastle United

Chelsea vs Watford

Crystal Palace vs Manchester United

Leicester City vs Southampton

Liverpool vs Wolverhampton Wanderers

Manchester City vs Aston Villa

Norwich City vs Tottenham Hotspur

FG: Guud ahaan kulammada ayaa wada baasmi doona 6:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close