HAMBALYO: Man Cty oo hanatay markii labaad xiriir ah horyaaalka Premier League & guud ahaan natiijooyinka kulammaadii la ciyaaray

(Manchester) 22 Maajo 2022. Manchester Cty ayaa hanatay markii labaad oo xiriir ah horyaaalka Premier League, kaaddib markii ay guul soo laabasho ah cajiib ah kaga gaaray Aston Villa 3-2, kulankoodii ugu dambeeyay horyaalka xilli ciyaareedkan.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaaminyay kooxda martida ahayd ee Aston Villa.

Daqiiqadii 37-aad kooxda Aston Villa ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda M. Cash kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis L. Digne.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

69 daqiiqo kooxda Aston Villa ayaa dhalisay goolkeeda labaad waxaana 0-2 ka dhigay Coutinho oo caawin ka helay saaxiibkiis Watkins.

Daqiiqadii 76-aad Manchester City ayaa dhalisay gool waxaana 1-2 ka dhigay ciyaarta I. Gundogan kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis R. Sterling.

78 daqiiqo Rodri ayaa dheesha k dhigay garbo siman 2-2, waxaana goolkan ka caawiyay O. Zinchenko.

Gundogan oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis K. De Bruyne ayaa daqiiqadii 81-aad wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester City, uxuuna ciyaarta ka dhigay 3-2.

Ugu  dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-2 ay kaga adkaatay Manchester City kooxda Aston Villa oo marti ugu ahayd garoonka Etihad, City ayaa loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka horyaaalka Premier League xilli ciyaareedka 2021/22, kaddib markii ay uruursatay dhibco dhan 93 dhibcood.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii ugu dambeeyay ee laga ciyaaray horyaaalka Premier League xilli ciyaareedka 2021/22.

Premier League England

Arsenal 5-1Everton

Brentford 1-2 Leeds United

Brighton & Hove Albion 3-1 West Ham United

Burnley 1-2 Newcastle United

Chelsea 2-1 Watford

Crystal Palace 1-0 Manchester United

Leicester City 4-1 Leicester City

Liverpool 3-1 Wolverhampton Wanderers

Manchester City 3-2 Aston Villa

Norwich City 0-5Tottenham Hotspur.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close