“Liverpool way ka awood badan tahay Real Madrid” – Steve McManaman

(Yrub) 19 Maajo 2022. Steve McManaman ayaa hoos u dhigay fursada kooxdiisii hore Real Madrid ay kaga qaadi karto Champions League xilli ciyaareedkan, naadiga reer England ee Liverpool.

Real Madrid ayaa kula balansan Liverpool ciyaarta finalka Champions League, oo 28-ka bishan May lagu ciyaari doono garoonka Stade de France ee magaalada Paris.

Haddaba Laacibkii hore ee Los Blancos ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay:

“Liverpool ayaa ah kooxda ugu cadcad ku guuleysiga koobka Champions League, waxaana u maleynayaa in koobka uu nasiibkooda ahaan doono, Real Madrid markan kuma ciyaareyso Santiago Bernabeu.”

“Sheekada Real Madrid iyo Champions League waa arin gaar ah, waxay u leedahay khibrad badan, laakiin Liverpool sidoo kale waxay leedahay khibrad.”

Intaas kaddib halyeeyga kooxda Real Madrid ee Steve McManaman ayaa ka hadlay saxiixa Kylian Mbappé, wuxuuna yiri:

“Haddii aad weydiiso qof Madrid ah saddexda ama afartii bilood ee la soo dhaafay, waxaad heli lahayd jawaabta ah in heshiiska xiran yahay oo mar hore la dhammeeyey.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close