Liverpool oo ku soo biirtay doonista Antony & Manchester United oo wadnaha farta ku haysa

(Liverpool) 19 May 2022. Naadiga reer England ee Liverpool ayaa la soo warinayaa inay ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Antony.

Jariiradda The Mirror ayaa baahisay inay Liverpool kula soo biirtay Manchester United tartanka loogu jiro saxiixa laacibka garabka uga ciyaara naadiga Ajax ee Antony.

Tababare Jurgen Klopp ayaa la warinayaa inuu doonayo inuu 22-sano jirkaan ku soo daro kooxdiisa Reds, xilli xiddigihiisa garabka ka ciyaara ay bandhig wacan sameynayaan.

Si kastaba aha ahaateen Macallinka reer Jarmal ayaa loollan adag kala kulmi doona Man United oo dhankeeda doonaya inay gacanta ku soo dhigto laacibka reer Brazil, kaasoo xilli ciyaareedkii idlaaday la shaqeynayay Macallinka ku soo wajahan Old Trafford ee Erik Ten Hag.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close