Kooxda Arsenal oo iibinaysa mid ka mid ah xiddigaheeda ugu muhiimsan… (Waa kee?)

(London) 19 May 2022. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay qorsheynayso inay iska iibiso daafaceeda dhexe ee Gabriel Magalhães.

Sida laga soo xigtay Jariiradda The Mirror, Arsenal ayaa albaabada u furtay aragtida ah iibinta daafaca reer Brazil ee Gabriel xagaagan, haddii ay hesho dalab ku habboon.

Xiddiga ka soo jeeda Koonfurta Ameerika ayaa bandhig heer sare ah ku qaatay Gunners labadii xilli ciyaareed ee uu ku sugnaa dalka Ingiriiska, laakiin waxaa haatan loo ogolaan doonaa inuu tago.

Macallin Mikel Arteta ayaa u muuqda mid doonaya in lacag badan ka keeno suuqa si uu kooxda ka dhisan Waqooyiga London dib ugu dhiso.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close