Kooxda Chelsea oo qorsheyneysa inay wadahadallo dib ula furto Ousmane Dembele

(London) 18 May 2022. Kooxda kubadda cagta Chelsea ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa qorsheyneysa inay wadahadallo dib ula furto Ousmane Dembele.

Sida uu warinayo Warsidaha 90Min, Kooxda Chelsea ayaa xiiseyneysa saxiixa Ousmane Dembele xagaagan, waxaana ay doonayaan inay dib u furaan wadahadallada ay ku doonayaan xiddiga reer France.

Chelsea ayaa ka mid ahayd kooxaha ugu cad caddaa loollanka loogu jiray in Dembele beeca xorta ah lagula wareego, balse muddooyinkii ugu dambeeyey ayey ka gaabiyeen.

Si kastaba ha ahaatee ganaaxa kooxda iyo Roman Abramovich ayaa la macno ah in laga joojiyay wada xaajoodkaas, taas oo ka hor istaagtay in ay dalab ka gudbiyaan 25 jirkan.

Yeelkeede, haatan sida uu daabacay Warsidaha 90Min Chelsea ayaa qorsheynaya inay dib u furto wadahadalladii ay ku doonaysay xiddigaha kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close