Liverpool oo saddex dhibcood muhiim ah ka soo heshay Southampton oo ay ku booqatay garoonka Saint Mary’s

(Southampton) 17 Maajo 2022. Liverpool ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay Southampton oo ay ku booqatay garoonka Saint Mary’s, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Southampton iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 1-1 ah.

Daqiiqadii 13-aad kooxda Southampton ayaa dhalisay kaddib markii uu ciyaarta ka dhigay 1-0 ciyaaryahakooda Nathan Redmond, waxaana ka caawiyay saaxiibkiis Nathan Tella.

Laakiin 27 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Liverpool ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Minamino oo ay caawin kaga timid Diogo Jota.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 67-aad Liverpool ayaa la wareegtay hoggaanka dheesha iyada oo uu 1-2 ka dhigay daafacooda jooga dheer ee reer Cameroon Joel Matip.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Liverpool, kooxda Southampton oo ay ku booqatay garoonka Saint Mary’s, Reds ayaa kaddib guushan waxay soo yareysay farqiga dhibcaha ay u jirtay hoggaamiyaasha horyaalka ee Man City, waxayna hadda u jirtaa hal dhibic, iyaga oo heysta 89 dhincood, halka City ay ku hoggaamineyso 90 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close