Kooxda Juventus oo isku diyaarinaysa inay heshiis cusub ka saxiixato Matthijs de Ligt kaddib markii…

(Turin) 17 Maajo 2022. Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso inay heshiis cusub ka saxiixato daafaceeda dhexe ee Matthijs de Ligt.

Sida uu warinayo Sky Sport Matthijs de Ligt ayaa ku dhow inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo Juventus.

“Matthijs de Ligt ayaa wadahadallo horumarsan oo heshiiska lagu kordhinayo ilaa bisha June 2026 kula jira Juve, wada xaajoodyadu hadda waa socdaan” ayuu sidoo kale soo qoray Suxufiga Fabrizio Romano.

Waxa uu intaa ku daray in De Ligt uu haatan isku diyaarinayo inuu sii joogo Juventus, maadaama Chiellini uu kooxda ka tagi doono maalmaha yar ee soo aaddan.

Chiellini ayaa xalay kulankiisii ugu dambeeyey u ciyaaray Juventus, waxaana uu ka tagaya kooxda ka dhisan Turin kaddib 17 xilli ciyaareed oo uu ku qaatay, 560 kulan oo uu u ciyaaray, isla markaana uu kula guuleystay 19 koob.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close