Barcelona oo doonaysa inay Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ku garaacdo saxiixa Raphinha

(Barcelona) 17 Maajo 2022. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo warinayaa inay doonaysa inay Liverpool iyo Chelsea kaga adkaato tartanka loogu jiro saxiixa Raphinha.

Barcelona ayaa diyaar u ah inay la soo wareegto xiddiga Naadiga Leeds United ee Raphinha, isla markaana ay saxiixiisa ku garaacdo kooxaha reer England ee Liverpool iyo Chelsea, sidaas waxaa warinaya warsidaha la yiraahdo 90min.

Kooxda reer Catalan ayaa markii hore doonaysay inay dib u dhigto wadahadallada ilaa dhammaadka xilli ciyaareedkan, laakiin haatan waxa ay go’aansatay inay keento garoonka Camp Nou xagaagan.

Si kastaba ha noqotee, Barca ma’ahan kooxda kaliya ee raadineysa saxiixa laacibkan, iyadoo Liverpool, Chelsea, Newcastle iyo West Ham United ay sidoo kale xiiseynayaan inay xiddigan gacanta ku soo dhigaan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close