Getafe oo taako u dhigtay Barcelona oo marti ugu ahayd garoonka Coliseum Alfonso Pérez

(Getafe) 15 Maajo 2022. Getafe ayaa taako u dhigtay Barcelona oo marti ugu ahayd garoonka Coliseum Alfonso Pérez, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 0-0 ah, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Spain.
Qeybta hote ee ciyaarya ayeey labada kooxood Getafe iyo Barcelona ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah ku kala baxeen labada kooxood Getafe iyo Barcelona, Barca oo ku jirta kaalinta labaad ayaa heysata 73 dhibcood.
Gool FM.