Liverpool oo loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka FA Cup kaddib markii ay rigoorayaal ku garaacday Chelsea

(London) 14 Maajo 2022. Liverpool ayaa loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka FA Cup kaddib markii ay rigoorayaal 5-6 ah ku garaacday kooxda Chelsea, kaddib kulan leysku daalay ay ku wada ciyaareen garoonka Wembley.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Liverpool ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 0-0 ah, waxaana lagu daray waqti dheeri oo 30 daqiiqo ah.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 5-6 rigoorayaal ay kaga adkaatay Liverpool, kooxda Chelsea, Reds ayaana loo caleemo saaray ku guuleysiga koobka FA Cup xilli ciyaareedka 2021/22.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close