Tottenham oo guul ka gaartay 10 xiddig oo kooxda Arsenal ah

(London) 12 Maajo 2022. Tottenham Hotspur ayaa guul ka gaartay 10 xiddig oo kooxda Arsenal ah, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-0, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Tottenham Hotspur.

Daqiiqadii 22-aad Tottenham Hotspur ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool ka dhigay Harry Kane, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0.

33 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Rob Holding ayaa qaatay karaka roosaha taasoo ka dhigay in Arsenal ay ku ciyaarto 10 ciyaaryahan oo kaliya.

Harry Kane oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Rodrigo Bentancur ayaa daqiiqadii 37-aad wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Tottenham Hotspur.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

47 daqiiqo Son Heung-min ayaa hoggaanka u dheereeyay kooxda Tottenham Hotspur, wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-0 ay kaga adkaatay Tottenham Hotspur, kooxda Arsenal oo marti u ahayd, Spurs ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay leedahay 65 dhibcood, 1 dhibic ayeeyna u jirtaa Gunners dhanka kala sareynta horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close