Real Madrid, Arsenal & Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee Yurub

(London) 12 Maajo 2022. Kulammo waa weyn ayaa caawa lagu ballasan yahay in la ciyaaro waxaana qeyb ka ah horyaallada waa weyn ee Yurub sida Premier League iyo La Ligaha Spain.

Kooxaha Tottenham Hotspur iyo Arsenal ayaa isku qaban doona kulan ku tirsan horyaalka Premier League, kaasoo ka qabsoomi doona garoonka Tottenham ee dhaca magaalada  London.

Sidoo kale Real Madrid ayaa kulan qeyb ka ah horyaalka La Liga ee dalka Spain waxa ay ku soo dhaweyn doontaa caawa naadiga Levante, garoonkeeda Santiago Bernabéu.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada la ciyaari doono caawa & saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-

Premier League:

09:45 Habeennimo: Tottenham Hotspur vs Arsenal.

La Liga:

08:00 Habeennimo: Real Sociedad vs Cadiz

09:00 Habeennimo: Rayo Vallecano vs Villarreal

10:30 Habeennimo: Real Madrid vs Levante.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close