Muxuu ka yiri Kevin De Bruyne kaddib AFARLEEYDII uu ka dhaliyay kooxda Wolves??

(Manchester) 12 Maajo 2022. Xiddiga Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii weyneyd ee ay kooxdiisu ka gaartay Wolverhampton.

Manchester City ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Wolves oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-5, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Ciyaartiii xalay ayaa lagu daawaday Kevin De Bruyne oo dhaliyay afar gool ama ‘’Super Hat-trick”, waana markii ugu horeysay uu hal kulan goolal intaas la eg ka dhaliyo xifradiisa kubadda cagta.

Haddaba wargeyska The Standard ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Kevin De Bruyne, ciyaarta kaddib, wuxuuna yiri:

“Markaad dhaliso afar gool, mar walba waa wax gaar ah, waxay ahayd inaan shan gool dhaliyo si aan daacad u noqdo.”

“Waxaan u malaynayaa in aan si fiican u ciyaarnay, marka laga reebo labadii weerar ee nalagu soo qaaday bilowga qaybtii hore ee ciyaarta.”

“Waxay ahayd in aan dhalino goolal badan, in aan soo bandhigno qaab ciyaareedka kooxda Wolves oo ah koox difaac adag, waa wax cajiib ah.”

Si kastaba ha noqotee, Man City ayaa ku dhow inay ku guuleysato Premier League, maadaama kooxda ay u baahan tahay kaliya 3 dhibcood, labada kulan u harsan, si ay u xaqiijiso ku guuleysiga horyaalka, maadaama farqiga goolasha City ay ka badan tahay kooxda Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close