Fabrizio Romano oo shaaca ka qaaday sheekeeyinkii ugu dambeeyay xiisaha Man United ee Frenkie de Jong

(Manchester) 12 Maajo 2022. Khabiirka suuqa kala iibsiga ciyaartouda ee Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday sheekeeyinkii ugu dambeeyay xiisaha Manchester United ee saxiixa xiddiga khadka dhexe kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong.

Fabrizio Romano ayaa ku soo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka:

“Marka la eego arinta Frenkie de Jong, waxaa jira wadahadalo ku aadan Manchester United, laakiin ilo wareedyo ayaa sheegaya in uusan jirin heshiis kama dambeys ah ilaa maanta.”

“Xaaladda dhaqaale ee Barcelona waxay saameyn kartaa mustaqbalka Frenkie de Jong, mudnaanta ciyaaryahankuna waa koox ku jirta heerka Champions League, Erik ten Hag ayaana ku cadaadi doona inuu la soo saxiixdo.”

Ten Hag ayaa horay ula soo shaqeeyay De Jong oo uu kula guuleystay Ajax, waxaana uu doonayaa inuu mar kale u isticmaalo khibradiisa cusub, isagoo og in qandaraaskiisa Barcelona uu dhacayo xagaaga 2026.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close