Muxuu ka yiri Klopp kaddib guushii ay Liverpool ka gaartay Aston Villa?

(Liverpool) 11 Maajo 2022. Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisa ka gaartay Aston Villa kulan ka tirsanaa horyaalka Premier league.

Liverpool ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay Aston Villa oo ay ku booqatay garoonka Villa Park, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, ciyaar qeyb ka ahayd horyaalka Premier League.

Ciyaarta kaddib Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa wuxuu warbaahinta u muujiyay dareenkiisa kaddib guusha ay ka gaareen Aston Villa, wuxuuna yiri:

“Uma maleynayo inay jirto suurtagalnimada guul sahlan, kooxda kaa soo horjeeda waa koox tayo sare leh, wax kasta oo ay sameeyeen waxay na saareen cadaadis.”

Intaas kaddib Klopp ayaa ka hadlay goolkii guusha ee uu dhaliyay Sadio Mane, wuxuuna yiri:

“Xaaladda oo dhan waxay ahayd mid cajiib ah, darbo heer sarre ah, Luis Diaz wuxuu sameeyay karoos uusan cidna filanayn marka laga reebo Sadio Mane.”

Ugu dambeyntii Klopp ayaa ka hadlay dhaawaca Fabinho, wuxuuna yiri:

“Waxaan filayaa inuu fiicnaan doono oo uu taam u noqon doono inuu ciyaaro kulanka Chelsea ee finalka FA Cup, laakiin ma garanayo, waana inaan qiimayn ku samaynaa xaaladiisa caafimaad.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close