Man City oo guul ay u qalantay ka soo heshay Wolves… (Kevin De Bruyne oo AFARLEEY ka kacay)

(Wolves) 11 Maajo 2022. Manchester City ayaa saddexda dhibcood ka soo qaadatay kooxda Wolves oo ay booqatay, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-5, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 7-aad Manchester City ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay laacibkooda khadka dhexe ee Kevin De Bruyne, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay Bernardo Silva.

Laakiin daqiiqadii 11-aad kooxda Wolves ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay laacibkooda Leander Dendoncker waxaana ka caawiyay Pedro Neto.

16 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Kevin De Bruyne ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Kevin De Bruyne oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Raheem Sterling ayaa dhaliyay goolkiisa saddexaad ee ciyaarta, wuxuuna dheesha ka dhigay 0-3 ay ku hoggaamineysay Manchester City

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 60-aad Manchester City ayaa dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 1-4 ka dhigay Kevin De Bruyne oo kulankan bandhig il qaban leh ka sameeyay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-5 ay kaga soo adkaatay Manchester City, kooxda Wolves oo ay booqatay, City ayaa kaddib guushaan ay gaartay waxay ku hoggaamineysaa horyaalka Premier League 3 dhibcood naddiif ah, waxayna leedahay 89 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close