Man City, Chelsea, Juventus, Inter & Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono Yurub

(Yurub) 11 Maajo 2022. Kulammo waa weyn ayaa caawa lagu ballasan yahay in la ciyaaro waxaana qeyb ka ah horyaallada waa weyn ee Yurub sida Premier League, La Ligaha Spain, iyo Coppa Italia.

Kooxaha Leeds united iyo Chelsea ayaa isku qaban doona kulan ku tirsan horyaalka Premier League, kaasoo ka qabsoomi doona garoonka Elland Road. Halka Wolverhampton ay soo dhaweyn doonto naadiga Manchester City.

Si la mid ah kooxaha Juventus iyo Inter Milan ayaa caawa wada ciyaari doono Coppa Italia, kulankan ayaana ka dhici doono garoonka Stadio Olimpico, ay ku ciyaarto naadiga Roma.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada la ciyaari doono caawa & saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-

Premier League

09:30 Habeennimo: Leeds United vs Chelsea

09:45 Habeennimo: Leicester City vs Norwich City

09:45 Habeennimo: Watford vs Everton

10:15 Habeennimo: Wolverhampton Wanderers vs Manchester City

Spain LaLiga

08:00 Habeennimo: Deportivo Alaves vs Espanyol

08:00 Habeennimo: Osasuna vs Getafe

09:30 Habeennimo: Sevilla vs Mallorca

10:30 Habeennimo: Elche vs Atletico Madrid

Coppa Italia

10:00 Habeennimo: Juventus vs Inter

France Ligue 1

08:00 Habeennimo: Nice vs Saint-Etienne

10:00 Habeennimo: Nantes vs Rennes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close