Klopp oo ka hadlay ku biirista Haaland ee kooxda Man City

(Liverpool) 11 Maajo 2022. Tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa sheegay in isaga iyo Reds ay nasiib darro ku tahay in Manchester City ay la soo saxiixdaan gooldhaliyaha reer Norwey ee Erling Haaland.

Fiidnimadii xalay oo Talaadada ah, Manchester City ayaa si rasmi ah u shaacisay heshiiska Erling Haaland, si uu ugu biiro kooxda reer England kowda July ee soo socota.

Magaca Erling Haaland ayaa lala xiriiriyay u dhaqaaqista kooxda kubadda cagta Real Madrid, laakiin ugu dambeyntii wuxuu doorbiday inuu ku biiro naadiga Manchester City.

Sida laga soo xigtay shabakada Sky Sports ee dalka England, Jürgen Klopp ayaa ka hadlay ku biiristay Haaland ee kooxda Manchester City, wuxuuna yiri:

“U dhaqaaqista Erling Haaland ee Manchester City? Waa ciyaaryahan wanaagsan.”

“Manchester City waligeed ma noqon doonto, koox guul ku gaarta kulammada hal ciyaartoy dartiis, sababtoo ah waxay leedahay qaab ciyaareed gaar ah oo ay u ciyaaro.”

“Erling Haaland waa halis dhab ah, labo jeer ayuu ku dhaawacmay Borussia Dortmund laakiin waa bahal dhab ah, runtii waa saxiix wanaagsan nasiib darro.”

Waxaa xusid mudan in Erling Haaland uu 85 gool u dhaliyay kooxda Borussia Dortmund kaliya 88 kulan tan iyo markii uu ku soo biiray naadiga Jarmalka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close