Chelsea oo guul kaga soo heshay garoonka Elland Road 10 xiddig oo kooxda Leeds United ah

(Leeds) 11 Maajo 2022. Chelsea ayaa guul ka soo heshay kooxda Leeds United oo ay ku booqatay garoonka Elland Road, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida ahayd ee Chelsea.

Daqiiqadii 4-aad Chelsea ayaa hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 0-1 ka dhigay Mason Mount, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Reece James.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

55 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Christian Pulisic oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Mason Mount ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay Chelsea.

Romelu Lukaku oo caawin ay kaga timid Hakim Ziyech ayaa daqiiqadii 83-aad wuxuu hoggaanka u dheereeyay Chelsea dheesha ayuuna ka dhigay 0-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-3 ay kaga soo adkaatay Chelsea, kooxda Leeds United oo ay ku booqatay garoonka Elland Road, Blues oo kaalinta saddexaad kaga jirta dhanka kala sareynta horyaalka Premier League ayaa waxay leedahay 70 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close