RASMI: Man City oo ku dhawaaqday heshiiska Haaland

(Manchester) 10 Maajo 2022. Manchester City ayaa ku dhawaaqday inay kala heshiisay kooxda Borussia Dortmund arrinta ku aadan saxiixa xiddiga reer Norway ee Erling Haaland.

Magaca Haaland ayaa lala xiriiriyay inuu ku biirayo safka Real Madrid, iyadoo maamulka Los Blancos uu qorsheynayay inuu la soo saxiixdo labada ciyaaryahan ee Haaland iyo Mbappé.

Laakiin Manchester City ayaa heshiiska gashay maadaama ay aad ugu baahnayd saxiixa weeraryahan, waxayna ugu dambeyntii si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska Erling Haaland.

Manchester City ayaan wali daaha ka qaadin xogta heshiiska Erling Haaland, maadaama ay kaliya ku dhawaaqday saxiixa ciyaaryahanka oo kaddib dhamaadka xilli ciyaareedka si toos ah ugu soo wareegi doono.

Manchester City ayaa bayaan ay soo saartay waxay ku daabacday Website-keeda rasmiga ah, kaasoo u dhignaa sida tan:

“Manchester City waxay xaqiijin kartaa inaan heshiis horudhac ah la gaarnay Borussia Dortmund si aan ula soo saxiixano Erling Haaland kowda July ee soo socota.”

Waxaa xusid mudan in Erling Haaland uu xilli ciyaareedkan kala qayb qaatay kooxdiisa Borussia Dortmund 29 kulan oo uu ciyaaray, wuxuuna ku guulaystay in uu dhaliyo 28 gool wuxuuna caawiyay 8 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close