Liverpool, Barcelona & Guud ahaan kulammada caawa laga ciyaari doono horyaallada waa weyn ee Yurub

(Yurub) 10 Maajo 2022. Kulammo waa weyn ayaa caawa lagu ballasan yahay in la ciyaaro waxaana qeyb ka ah horyaallada waa weyn ee Yurub sida Premier League iyo La Ligaha Spain.

Kooxaha Aston Villa iyo Liverpool ayaa isku qaban doona kulan ku tirsan horyaalka Premier League, kaasoo ka qabsoomi doona garoonka Villa Park ee dhaca magaalada  Birmingham.

Sidoo kale Barcelona ayaa kulan qeyb ka ah horyaalka La Liga waxa ay ku soo dhaweyn doontaa caawa naadiga Celta Vigo, halka sidoo kale ay wada ciyaari doonaan kooxaha Valencia iyo Real Betis, Granada iyo Athletic Bilbao.

Haddaba halkaan hoose ka eeg guud ahaan kulammada la ciyaari doono caawa & saacadaha ay soo geli doonaan xilliga geeska Afrika:-

Premier League:

10:00 Habeennimo: Aston Villa vs Liverpool.

La Liga:

08:00 Habeennimo: Valencia iyo Real Betis.

09:00 Habeennimo: Granada iyo Athletic Bilbao

10:00 Habeennimo: Barcelona vs Celta Vigo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close