“Kooxaha Yurub waxay ka baqaan Real Madrid, marka laga reebo Barcelona” – Henry

(Yurub) 10 Maajo 2022. Halyeyga reer France iyo kooxaha Arsenal iyo Barcelona ee Thierry Henry, ayaa aaminsan in rajada Liverpool ee ku guuleysiga Champions League ay aad u badan tahay.

Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa ku balansan in 28-ka bishan May magaalada Paris ku wada ciyaaraan finalka tartanka ugu xiisaha badan heer kooxeed ee Champions League.

Wargeyska Marca ee dalka Spain ayaa wuxuu daabacay wareysi uu bixiyay halyeeyga reer France ee Thierry Henry, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Dhammaan kooxaha Yurub waxay ka baqayaan Real Madrid, Real Madrid-na waxay ka baqeysaa Barcelona.”

“Laakiin waxaan qabaa in Liverpool ay ku guuleysan doonto Champions League, sababtoo ah way ka xoog badan tahay Real Madrid.”

“Wali waxa aan u malaynayaa in Benzema uu horumar ka samaynayo halganka loogu jiro abaal-marinta Ballon d’Or, haddii Mane uu ku guulaysto afarta koob ee Liverpool, tartan xoogan ayuu kala kulmi doonaa.”

“Haddii Mane uu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or, wax weyn ayey u ahaan laheyd Afrika, laakiin weli waxaan sharad ku galayaa Benzema.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close