Barcelona oo garoonkeeda Camp Nou ugu awood sheegatay kooxda Celta Vigo

(Barcelona) 10 Maajo 2022. Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ugu awood sheegatay kooxda Celta Vigo, kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.

Daqiiqadii 30-aad Barcelona ayaa dhalisay gool waxaana hoggaanka u dhiibay oo ciyaarta 1-0 ka dhigay laacibkooda Memphis Depay, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Ousmane Dembélé.

Aubameyang ayaa 41 daqiiqo marka ay dheesha mareysay wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Barcelona.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

48 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Aubameyang ayaa wuxuu hoggaanka ciyaarta u dheereeyay kooxdiisa Barcelona wuxuuna dheesha ka dhigay 3-0.

Laakiin kooxda Celta Vigo ayaa dhalisay gool daqiiqadii 50-aad waxaana 3-1 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Iago Aspas oo ay caawinta goolkan kaga timid saaxiibkiis Thiago Galhardo.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 3-1 ay kaga adkaatay Barcelona kooxda Celta Vigo oo marti ugu ahayd garoonka Camp Nou, Barca oo kaalinta labaad kaga jirta horyaalka Spain ayaa waxay leedahay 72 dhibcood.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close