Sidee ayuu Ancelotti uga hadlay guul daradii Real Madrid kasoo gaartay Atletico Madrid?

(Madrid) 09 Maajo 2022. Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in qaab ciyaareedka kooxda uu ahaa mid wanaagsan qeybtii labaad ee ciyaartii ay xalay la ciyaareen Atletico Madrid.

Atlético Madrid ayaa garoonkeeda Wanda Metropolitano guul kara gaartay Real Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Sida laga soo xigtay wargeyska Marca ee dalka Spain Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti, ayaa ciyaarta kaddib u sheegay warbaahinta:

“Sida iska cad, Atletico ayaa fiicneyd, tanina waa wax iska caadi ah, uma aanan baahneen dhibco, laakiin waxaan dooneynay inaan ciyaarno kulan wanaagsan.”

“Waxay ahayd ciyaar fiican, gaar ahaan qaybtii dambe ee ciyaarta, markaasoo aanu ku dhawaanay inaan barbardhac ka dhigno, muhiimadu waxay ahayd in laga fogaado dhibaatooyinka oo la siiyo daqiiqado kuwa aan si joogto ah u ciyaarin.”

“Wuxuu ahaa kulan fiican oo tartan ah, si wanaagsan ayaan u ciyaarnay qeybtii dambe, laakiin wax badan kama filan karno kulankan, maadaama uu yimid toddobaad aad u xiiso badan kaddib, xaqiiqdii wax badan ma aan filanayn.”

Ancelotti ayaa intaas kaddib xusay in tababare Simeone uu soo dhaweeyay kulanka kahor, wuxuuna yiri:

“Wuxuu i salaamay, wuxuu iigu hambalyeeyay horyaalka La Liga, wax walbana waa wanaagsan yihiin.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close