Halyeey kooxda Manchester United ah oo codsi gaar ah u diray Cristiano Ronaldo

(Manchester) 09 Maajo 2022. Halyeey Manchester United ah ayaa fariin gaar ah u diray saaxiibkiisii ​​hore ee Cristiano Ronaldo, wuxuuna ka codsaday inuu kooxda sii joogo.

Ronaldo ayaa bishii August ee lasoo dhaafay kasoo laabtay Juventus, balse qaab ciyaareedka kooxda ayaa xilli ciyaareedkan ahayn sidii la filayay, maadaama ay wax walba ku guuldarreysteen, isla markaana ay ku juraan boos aan ka mid ahayn booasaska loogu soo baxo tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Haddaba sida laga soo xigtay wargeyska The Sun ee dalka England, halyeeyga David Beckham ayaa ku dhiirogaliyay Ronaldo inuu sii joogo Manchester United, wuxuuna yiri:

“Sida iska cad Ronaldo waa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd 15-kii sano ee la soo dhaafay marka lagu darro Lionel Messi.”

“Inaan aragno isaga oo la sii joogo Manchester United, waxay muhiim u tahay jamaahiirta, sidoo kale waxay muhiim u tahay isaga.”

“Ronaldo wali waxa uu ku dadaalayaa sidii uu u dhalin lahaa goolalna u abuuri lahaa, tani waa waxa uu sameeyo Cristiano.”

“Da’diisa, waxa uu sameeyo waa wax cajiib ah, waxaan rajeynayaa in xirfaddiisa ay sii socoto, waxaan rajeynayaa inuu kooxda sii joogo sanad ama laba sano oo kale.”

Si kastaba ha noqotee, Cristiano Ronaldo ayaa 38 kulan la ciyaaray Red Devils xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, isaga oo u dhaliyay 24 gool, wuxuuna sidoo kale 3 gool ka caawiyay saaxiibadiis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close