Horudhac: Manchester City vs Newcastle United… (Miyey Man City ka faa’ideysan kartaa fursaddii ay lumisay Liverpool?)

(Manchester) 08 Maajo 2022. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa caawa dooneysa inay ka faa’ideysato fursadda hor taalla ee ah inay kusii dhowaato difaacashada horyaalka Premier League marka ay kulan ciyaareed ka tirsan horyaalka la qaadato naadiga Newcastle United.

Man City ayaa haatan ku jirta kaalinta labaad ee kala sarreynta horyaalka Ingiriiska iyadoo leh 83 dhibcood waxayna ciyaartay 34 kulan, balse waxay dhibcaha kala simman tahay kooxda Liverpool oo 35 kulan ciyaartay balse farqiga goolasha booska koowaad ku joogta, halka Newcastle ay ku jirto kaalinta 13-aad iyadoo leh 43 dhibcood inkastoo ay 35 kulan ciyaartay.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 06:30 Maqribnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Etihad Stadium

Garsooraha: Stuart Attwell (England)

Wararka Kooxaha:

Manchester City ayaa qiimeyneysa xaaladda difaaceeda Kyle Walker oo dhaawac looga saaray kulankii Real Madrid ee Champions League, sidoo kale waxaa kulankan shaki laga gelinayaa John Stones.

Dhanka kale, Newcastle macallinkeeda Eddie Howe ayaa sheegay inay jirto fursad wanaagsan oo uu Callum Wilson ku safan karo markii ugu horreysay tan iyo bishii December halka Kieran Trippier oo soo laabasho ku dhow iyo Fabian Schar oo ku dhaawacmay kulankii Liverpool ay seegi doonaan ciyaarta caawa.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Manchester City:

Ederson; Cancelo, Dias, Laporte, Zinchenko; Bernardo, Rodri, De Bruyne; Sterling, Foden, Grealish

Newcastle United:

Dubravka; Krafth, Lascelles, Burn, Targett; Willock, Shelvey, Guimaraes; Almiron, Joelinton, Saint-Maximin

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close