Horudhac: Arsenal vs Leeds United… (Gunners oo aan wali hilmaamin lug-gooyadii Leeds ee gafisay horyaalka Premier League)

(London) 08 Maajo 2022. Kooxaha kubadda cagta Arsenal iyo Leeds United ayaa maanta ku balansan kulan xiiso badan kaasoo ka tirsan horyaalka Premier League xilli ay Gunners hardan adag ugu jirto inay ku dhammeysato booska loogu soo baxo tartanka Champions League.

Kooxda Arsenal ayaa haatan ku jirta kaalinta afaraad ee jadwalka kala sarreynta horyaalka Ingiriiska iyadoo leh 63 dhibcood halka Leeds ay ku jirto kaalinta 17-aad ee kala sarreynta horyaalka iyadoo leh 34 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 04:00 Galabnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Emirates Stadium

Garsooraha: Chris Kavanagh (England)

Wararka Kooxaha:

Arsenal ayaa qiimeyneysa xaaladda taam ahaansho ee difaaceeda Ben White kaasoo dhaawac ku seegay kulankii ugu dambeeyay, halka Kieren Tierney iyo Thomas Partey ay maqnaan doonaan inta ka dhimman xilli ciyaareedka.

Dhinaca kale, Kabtan Liam Cooper oo dhaawac kaga maqnaa Leeds ciyaartii ay guuldarrada kala kulantay Manchester City ayaa soo laabanaya kulankan, waxaase maqnaan doona Patrick Bamford iyo Stuart Dallas oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Arsenal ayaa guuldarro la’aan ah 11-keedii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Leeds tartammada oo dhan iyadoo sagaal ka mid ah guul ka gaartay halka labada kalena ay barbarro la gashay.

Kooxda lagu naaneyso The Whites ayaanan shabaqeeda gool ka difaacan iyadoo kulan ka tirsan horyaalka booqatay Arsenal tan iyo barbarrihii goolal la’aanta ahaa ee dhacay bishii February ee sanadkii 1993.

Kooxda reer London ayaa doonaya inay afar ciyaarood oo xiriir ah ka adkaato kooxda ka dhisan gobolka Yorkshire markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1938.

Guushuu ugu dambeeyay ee ay Leeds ka qaadato Gunners waxay ahayd ciyaar ku dhammaatay 3-2 oo ka dhacday garoonkii la oran jiray Highbury ee ay Arsenal ku ciyaari jirtay bishii May ee sanadkii 2003, waxaana kulankaas uu xaqiijiyay inaysan kooxda reer London difaacan horyaalka maadaama natiijadaas ay horyaalka u gacan gelisay naadiga Manchester United.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Arsenal:

Leeds United:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close