Atlético Madrid oo garoonkeeda Wanda Metropolitano guul kara gaartay Real Madrid

(Madrid) 08 Maajo 2022. Atlético Madrid ayaa garoonkeeda Wanda Metropolitano guul kara gaartay Real Madrid, kaddib markii ay kaga adkaatay 1-0, ciyaar ka tirsaneyd horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Atlético Madrid.

Daqiiqadii 40-aad kooxda Atlético Madrid ayaa loo dhigay rigoore, waxaana gool u badelay Yannick Carrasco, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 ay kaga adkaatay Atlético Madrid, kooxda Real Madrid oo marti ugu ahayd garoonka Wanda Metropolitano, xilli ciyaartan qeyb ka ahayd kulmmada toddobaadkan ee horyaalka Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close