Xiddig ka tirsan kooxda Barcelona oo aaminsan in Karim Benzema uu u qalmo ku guuleysiga Ballon d’Or

(Barcelona) 07 Maajo 2022. Daafaca Kooxda kubadda cagta Barcelona ee Dani Alves ayaa laga hayaa: “Benzema ayaa u qalma ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or.”.

Isagoo wareysi siinayey Jariiradda Marca, Dani Alves kaasoo weli ah xiddig ka tirsan Barcelona ayaa sheegay in ku guuleysiga abaal-marinta Ballon d’Or uu u qalmo Karim Benzema xilli ciyaareedkan, laacibka reer Brazil ayaana markale ammaanay weeraryahanka kooxda Real Madrid.

Inkastoo uu jiro xafiiltan adag oo ka dhexeeya kooxda reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona, haddana Dani Alves ayaa rumeysan in Karim Benzema uu xilli ciyaareedkan u qalmo inuu ku guuleysto abaal-marinta Ballon d’Or.

Haatan kooxda Real Madrid ayaa iska xaadirisay final-ka Champions League, kaddib markii ay Arbacadii garaacday Manchester City, iyadoo goolka guusha uu ka dhaliyey Benzema.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close