Kooxaha Chelsea iyo Wolverhampton oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge

(London) 07 Maajo 2022. Kooxaha Chelsea iyo Wolverhampton oo dhibcaha ku qeybsaday garoonka Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen barbardhac 2-2 ah, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada horyaalka Premier League.

Qeybta labaad ee ciyaarta ayeey labada kooxood Chelsea iyo Wolverhampton ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 56-aad Chelsea ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay weeraryahankooda Romelu Lukaku, ciyaarta ayaa waxay sidaas ku noqotay 1-0 ay ku hoggaamineysay Blues.

58 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Romelu Lukaku oo caawin ka helay saaxiibkiis Pulisic ayaa dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Chelsea.

Laakiin daqiiqadii 79-aa kooxda Wolverhampton ayaa dhalisay gool waxaana ciyaarta 2-1 ka dhigay laacibkooda Francisco Trincão, kaddib markii ay caawin kaga timid saaxiibkiis Chiquinho.

90 + 7 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Wolverhampton ayaa dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 2-2 ka dhigay xiddigooda Conor Coady oo ay caawin kaga timid Chiquinho.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 2-2 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Chelsea iyo Wolverhampton, kaddib ciyaar xiiso badan oo ku dhex martay garoonka Stamford Bridge.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close