Horudhac: Brighton & Hove Albion vs Manchester United… (Danny Welbeck oo ah dilaaga kooxdiisii hore & CR7 oo rikoor cusub hiigsanaya)

(Brighton and Hove) 07 Maajo 2022. Kooxaha kubadda cagta Brighton & Hove Albion iyo Manchester United ayaa caawa kulan ka mid ah horyaalka Premier League ku balansan iyadoo ay kooxda Man United dooneyso inay sii wadato guulaheeda horyaalka kaddib markii ay toddobaadkii hore garaacday naadiga Brentford.

Kooxda Brighton ayaa haatan ku jirta kaalinta sagaalaad ee kala sarreynta horyaalka Ingiriiska iyadoo leh 44 dhibcood inkastoo ay 35 kulan ciyaartay halka Red Devils oo ciyaartay 36 kulan ay ku jirto kaalinta lixaad iyadoo leh 58 dhibcood.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: England – Premier League

Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 07:30 Fiidnimo xilliga Geeska Afrika.

Garoonka: Amex Stadium

Garsooraha: Andrew Madley (England)

Wararka Kooxaha:

Brighton ayaa caawa weyneysa xiddigaheeda kala ah Enock Mwepu, Jeremy Sarmiento iyo Jakub Moder kuwaasoo dhammaantood dhaawacyo ku seegaya kulankan.

Dhanka kale, Manchester United ayaa dib usoo dhoweyneysa kabtankeeda Harry Maguire kaasoo dhaawac ku seegay kulammadii lasoo dhaafay, balse waxaa xiddigaha maqan ku biiray Eric Bailly iyo Marcus Rashford oo xanuun dartiis safka kulankan looga reebay.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta:-

Manchester United ayaa garaacday naadiga Brighton toddobadii is-arag ee ugu dambeysay tartammada oo dhan.

Saddex guul ee ay Brighton ka gaartay Red Devils 27-ka kulan ee ay wada ciyaareen ayaa dhammaantood yimid iyadoo ku ciyaareysa garoonkeeda.

Danny Welbeck ayaa goolal dhaliyay dhammaan afartiisii ciyaarood ee ugu dambeysay ee uu kusoo bilawday isagoo wajahaya kooxdiisii hore ee Manchester United tartammada oo dhan.

Cristiano Ronaldo ayaa lix gool dhaliyay afartiisii ciyaarood ee ugu dambeysay horyaalka, waana in la eg inta uu dhaliyay 13-kiisii kulan ee ka horreeyay afartaan kulan.

Ronaldo ayaa 698 gool dhaliyay heerkiisa kooxeed isagoo labo gool u jira inuu gaaro goolkiisii 700-aad ee heer naadi, waxaana xusid mudan in 497 ka mid ah goolashaas uu ka dhaliyay horyaallada.

Shaxda macquulka ah ee labada koox:-

Brighton & Hove Albion:

Manchester United:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close